Hel Dhammaan Koorsoyinka Coursera si bilaashka ah adoo umaraya Kiron
Fursad Dahabi ah
Kiron Open Higher Education waa hay’ad caalami ah oo aan macaash doon ahayn, oo bixisa waxbarasho online ah oo bilaash ah. Waxay dhalinyarada iyo dadka fursado waxbarasho radiska ah u fududeysaa inay helaan koorsooyin casri ah, shahaadooyin caalami ah, iyo fursado waxbarasho oo heer jaamacadeed, adigoo jooga gurigaaga.
Maxaa Kiron Ku Bixisaa Waxbarashada Online?
- Account Coursera Bilaash ah
Marka aad iska diiwaangeliso Kiron, waxaad heli kartaa Coursera for Refugees account oo ka kooban malaayiin koorsooyin online ah. Waxaad ka baran kartaa xirfado, luqado, teknooloji, iyo maadooyin kale, si aad xirfadahaaga u horumariso una dhisto mustaqbalkaaga xirfadeed.
- Shahaadooyin Caalami ah
Dhameystirka Coursera, waxaad heli kartaa certificates rasmi ah oo caalami ah, kuwaas oo kaa caawinaya in CV-gaaga iyo codsiyada shaqo ay noqdaan kuwo soo jiidasho leh.
- Diplomiyo iyo Fursadaha Jaamacadaha
Kiron waxay la shaqeysaa jaamacado bixiya diplomiyo online ah iyo barnaamijyo bachelor-level ah. Taas waxay kuu oggolaaneysaa inaad horumariso waxbarashadaada heer jaamacadeed, adigoo aan ka bixin gurigaaga.
- Bulsho Waxbarasho Caalami ah
Waxaad ku biiri kartaa arday ka kala yimid dunida oo dhan, waxaadna ka faa’iidaysan kartaa webinars, mentoring, iyo hagitaan xirfadeed, si aad u horumariso xirfadahaaga iyo aqoontaada.
Tallaabooyinka Diiwaangelinta
- Booqo Kiron Campus: https://www.kiron.ngo/campus
- Diiwaangelinta: Buuxi magacaaga, email, iyo password.
- Xaqiiji Email-ka: Guji link verification si account-kaaga loo xaqiijiyo.
- Upload Dukumentiyada (haddii loo baahdo): Haddii aad rabto fursadaha Coursera ee shahaadooyinka iyo diplomiyada, geli dukumentiyada sharci ee lagama maarmaanka ah.
Fiiro gaar ah: Dukumentiyadaada markii la upload gareeyo, waxaa la review-gareyn doonaa muddo kooban, kadibna email ayaa laguugu soo diri doonaa ogolaansho ama diidmo.
Sawirka Hagida Talaabooyinka
Sawirka hoose wuxuu muujinayaa dhammaan talaabooyinka muhiimka ah ee aad u baahan tahay inaad marto si aad u hesho fursadaha Kiron iyo Coursera.

Ushare garee saxiibkaa fursadan si uu uga faiidaysto
mahadsanid.
seelayahy
alx soo dhowow wl