SALES REPRESENTATIVES

FURSAD SHAQO – SALES REPRESENTATIVES (Iibiyayaal)

C24 Factory waxay si rasmi ah u shaacineysaa fursad shaqo oo cusub, iyadoo raadineysa rag iyo dumar firfircoon, dadaal badan, kuna xeel dheer iibka (sales) si ay suuqa ugu soo bandhigaan detergent cusub oo tayo sare leh oo loogu talagalay dharka iyo nadaafadda guriga.

Haddii aad tahay qof jecel ganacsiga, la falgalka macaamiisha, iyo inaad dakhligaaga ku kordhiso koomiishan sare, tani waa fursad kugu habboon.


🔹 Faahfaahinta Shaqada

  • Jagada: Sales Representative (Wakiilka Iibka)

  • Goobta Shaqada: Hargeysa iyo nawaaxigeeda

  • Nooca Shaqada: Field Sales (suuq-wareeg & dukaamo booqasho)

  • Alaabta: Detergent (dharka & nadaafadda guriga)

Shaqadani waxay ku siinaysaa inaad si toos ah ula shaqeyso:

  • Dukaamada waaweyn

  • Supermarkets

  • Tafaariiqleyda yaryar

  • Qaybiyeyaasha (distributors)


💰 Mushahar & Gunnooyin

Waxaan bixineynaa nidaam mushahar oo dhiirrigelin leh:

3-da bilood ee ugu horeeya:

High Commission (Koomiishan sare)
– Waxaad kasban kartaa lacag badan inta iibkaagu kordhayo

Kadib marka waxqabadkaaga lagu qanco:

Salary joogto ah (mushahar bille ah)
Koomiishan dheeraad ah

👉 Taas macnaheedu waa: Dakhligaagu wuu sii kordhayaa marka aad dadaasho.


✅ Shuruudaha laga rabo codsadayaasha

Waxaan raadineynaa qof leh:

✔ Khibrad iib ama sales
✔ Aqoon fiican oo ku saabsan suuqyada iyo dukaamada magaalada
✔ Xirfad wada-hadal iyo qancin macaamiil
✔ Dabeecad daacadnimo & masuuliyad
✔ Kartida shaqo kooxeed (teamwork)
✔ Awood uu ku gaari karo target-ka iibka
✔ Firfircooni & diyaar u ahaansho socod badan (field work)


🎯 Waajibaadka Shaqada

Qofka la qaato wuxuu qaban doonaa:

🔸 Soo helista macaamiil cusub maalin kasta
🔸 Gaarsiinta iyo soo bandhigista alaabta dukaamada
🔸 La socodka dalabka iyo iibka
🔸 Dhisidda xiriir ganacsi oo joogto ah
🔸 Soo gudbinta warbixinno maalinle & bille ah
🔸 Hubinta in product-ku si fiican uga muuqdo shelf-yada


🌟 Maxaad ka faa’iideysaa shaqadan?

  • Khibrad ganacsi oo dhab ah

  • Dakhligaaga oo ku xiran dadaalkaaga

  • Fursad horumar shaqo (career growth)

  • Tababar iib & suuq-geyn

  • Shirkad sii kobceysa oo mustaqbal leh

Haddii aad rabto shaqo xorriyad leh, dhaqdhaqaaq badan, iyo fursad aad ku kasbato lacag badan, tani waa doorasho fiican.


📞 Sida Loo Codsado

Wac ama la xiriir:
📱 063-4676253

Waqtiga kama dambaysta ah: 17/02/202

🗓 6

Add a Comment

Your email address will not be published.