4 XIRFADOOD OO HADDII AAD BARATO, SUUQA SHAQADU KU RAADINAYOβ˜πŸΏβ€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”
Maanta dunidu si degdeg ah ayay isu beddelaysaa. Shahaado keliya kuma filna. Qofka la raadinayo waa kan leh xirfad la taaban karo oo suuqa qiimo ku leh.

Haddii aad si qoto dheer u barato mid ka mid ah afartan xirfadood, waxaad noqoneysaa qof loo baahan yahay ma aha qof shaq sugaya.

1️⃣ ACCA-Xirfadda Maaliyadda Heerka Caalami ACCA (Association of Chartered Certified Accountants) waa shahaado caalami ah oo ku saabsan xisaabaadka, maaliyadda, cashuuraha iyo maamulka khataraha.

Maxay Muhiim u Tahay?
β€’ Shirkad kasta waxay ku tiirsan tahay nidaam maaliyadeed sax ah.
β€’ Bangiyada, NGO-yada, shirkadaha ganacsiga – dhammaan way u baahan yihiin xirfadlayaal maaliyadeed.
β€’ Waxay kuu furaysaa shaqooyin gudaha iyo dibadda ah.

Fursadaha Ku Jira
β€’ Accountant
β€’ Auditor
β€’ Financial Analyst
β€’ Finance Manager
β€’ Mustaqbal fog: CFO ama Agaasime Maaliyadeed

Meelaha Laga Barto
β€’ ACCA Global: https://www.accaglobal.com
β€’ Coursera: https://www.coursera.org
β€’ Udemy: https://www.udemy.com

Xaqiiqo
Waa waddo dheer oo u baahan dulqaad, akhris joogto ah, iyo imtixaano adag. Haddii aadan lahayn adkaysi, waad ku daali kartaa.

2️⃣ Cybersecurity- Ilaalinta Dunida Dijitaalka Dunida maanta waxay ku tiirsan tahay internet. Weerarada cyber-ka way kordhayaan, shirkad kastana waxay u baahan tahay qof difaaca xogteeda.

Maxay Muhiim u Tahay?
β€’ Amniga xogta waa mudnaanta koowaad ee shirkadaha.
β€’ Shaqooyin badan ayaa laga qaban karaa meel kasta (remote).

Fursadaha Ku Jira
β€’ Security Analyst
β€’ Ethical Hacker
β€’ Network Security Engineer
β€’ Cybersecurity Consultant

Meelaha Laga Barto
β€’ Cisco Networking Academy: https://www.netacad.com
β€’ Google Cybersecurity (Coursera)
β€’ TryHackMe: https://tryhackme.com
β€’ Hack The Box: https://www.hackthebox.com
Waa xirfad farsamo oo u baahan maskax falanqayn leh iyo barasho joogto ah.

3️⃣ Data Analysis-Xogta oo Noqota Go’aan Dunida maanta waxay ku tiirsan tahay internet. Weerarada cyber-ka way kordhayaan, shirkad kastana waxay u baahan tahay qof difaaca xogteeda.

Maxay Muhiim u Tahay?
β€’ Amniga xogta waa mudnaanta koowaad ee shirkadaha.
β€’ Shaqooyin badan ayaa laga qaban karaa meel kasta (remote).

Fursadaha Ku Jira
β€’ Security Analyst
β€’ Ethical Hacker
β€’ Network Security Engineer
β€’ Cybersecurity Consultant

Meelaha Laga Barto
β€’ Cisco Networking Academy: https://www.netacad.com
β€’ Google Cybersecurity (Coursera)
β€’ TryHackMe: https://tryhackme.com
β€’ Hack The Box: https://www.hackthebox.com

4️⃣ Communication Skills-Awoodda Saameynta

Xirfad kasta waa la burburiyaa haddii aadan si cad u hadli karin ama u qori karin.

Maxay Muhiim u Tahay?
β€’ Hoggaamiyeyaasha guuleysta waa kuwo si fiican u hadla.
β€’ Waxay kordhisaa kalsoonidaada iyo fursadahaaga.

Fursadaha Ku Jira
β€’ Leadership
β€’ Public Speaking
β€’ Negotiation
β€’ International Opportunities

Meelaha Laga Barto
β€’ Toastmasters: https://www.toastmasters.org
β€’ British Council: https://www.britishcouncil.org
β€’ TED Talks (YouTube)

ACCA β†’ Maaliyad & xirfad sharciyeysan
Cybersecurity β†’ Amni dijitaal & mushahar sare
Data Analysis β†’ Xog & go’aan qaadasho
Communication β†’ Aasaaska guusha xirfadaha kale

Qofkii hal xirfad si qoto dheer u barta ayaa ka qiimo badan qof afar meelood wax yar ka yaqaan

ka faaiidaysi wacan☝🏿

Ramadaan mubarak πŸ™

Add a Comment

Your email address will not be published.